>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 73

3:174 174. Markaasay la noqdeen Nicmo xag Alle ah iyo Deeqdiisa, oo ma aanay taaban xumaato waxayna raaceen Raalli gelinta Alle. Alle waa Kan leh Galadda iyo Deeqda aad u weyn.

3:175 175. Waa uun Shaydaanka kan idinku bajiya xulafadiisa ee ha ka cabsannina, ee Anigoo Keliya (waa Alle'e) iga cabsada, haddaad tihiin mu’miniin.

3:176 176. Oo yey ku murugo gelin kuwa ugu dhaca gaalnimada si degdeg ah [38]; hubaal iyagu waxba ma yeeli karaan Alle marnaba. Alle Wuxuu rabaa in aanay ku yeelan wax saami ah Aakhirada, waxayna leeyihiin cadaab daran.

3:177 177. Kuwa siistay gaalnimo qiimaha Iimaanka, waxba kama dhimayaan Alle, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

3:178 178. Yey gaaladu moodin in u dib dhigiddeyda (Ciqaabka) ay u khayr roon tahay nafahooda. Waxaanu ugu dib dhignaa oo keliya si ay u kororsadaan denbiyo, waxayna leeyihiin cadaab dulleysa.

3:179 179. Sinnaba Alle ugama tagayo mu’miniinta xaaladdaad ku jirtaan, jeer uu kala sooco kan xun iyo kan wanaagsan. Mana aha Alle mid idin tusaya waxa aan muuqan ee Ghaybka ah, wuxuuse Alle ka doortaa Rusushiisa midkii uu doono. Ee rumeeya Alle iyo Rusushiisa. haddaad rumeysaan oo aad iska ilaalisaan xume waxaad leedihiin ajar aad u weyn (Janno).

3:180 180. Yey moodin kuwa ku bakhayla bixinta wuxuu Alle siiyey oo Deeqdiisa ah inay khayr u tahay. mayee waa u shar; Waxaa luqunta loo suri waxay ku bakhayleen oo mareegyo (naar) ah Maalinta Qiyaamaha [39]. Alle baana iska leh dhaxalka samooyinka iyo arlada; Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.