Cabdullaahi Xasan Yacquub — 70
3:154 154. Markaas cidhiidhigaa kaddib wuxuu idinku soo dejiyey nabdooni, lulmo qabaneysa koox idinka mid ah [32], halka koox kale ay nafahooda walaaciyeen [33], waxay ku maleeyeen Alle male xun aan xaq ahayn malihii jaahiliyadda ah. Waxay lahaayeen: Ma aynu ku lihin wax talo ah arrinka. Dheh: Arrin oo dhan waxay ku jiraan (Gacmaha) Alle. Waxay ku qarsadaan nafahooda wax aysan kuu muujinayn [34], iyagoo leh: Haddaan wax talo ah ku lahaan lahayn arrinka, nalaguma dileen halkan [35]. Dheh: Xitaa haddaad joogi laheydeen guryihiinna, kuwa dilka loo qoray waxay shaki li`i u soo bixi lahaayeen halka lagu dili lahaa, waana si uu Alle u imtixaano waxa ku jira laabihiinna, oo u daahiriyo waxa ku jira quluubtiinna. Alle wuu ogsoon yahay waxa ku jira laabaha.
3:155 155. Xaqiiq, kuwii idinka midka ahaa ee dhabarka jeediyey maalintii labada col is-heleen (dagaalkii Uxud), Shaydaan uun baa doonay inuu sababo inay simbiriirixdaan waxoogay (denbi) ah oo ay kasbadeen awgeed. Allese wuu cafiyey. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Dulqaad Badan.
3:156 156. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha noqonnina sida kuwa gaalada ah, oo ka yidhaahda walaalahood markay ku socdaalaan dhulka ama duullaan qaadaan: Hadday nala joogi lahaayeen ma dhiman lahayn lamana dili lahayn, waa si uu Alle uga dhigo tani arrin u keenta qoomamo daran quluubtooda. Alle baana bixiya nolol oo sababa dhimasho. Alle wuu arkaa waxaad fashaan.
3:157 157. Haddii la idinku dilona Jidka Alle ama aad dhimataan, Denbi dhaaf xagga Alle ah iyo Naxariis baa ka khayr badan waxay urursadaan (oo maal adduunyo ah).