Cabdullaahi Xasan Yacquub — 7
2:38 38. Waxaanu nidhi: Ka dega xaggeeda (Jannada) dhammaantiin, markuu Xaggayga idiinka yimaado hanuun, qofkii raaca Hanuunkayga, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
2:39 39. Kuwase gaalooba oo beeniya Aayadahayaga, waa iyaga ehlu-Naarka, gudaheeday ku dhex waari weligood.
2:40 40. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmaddayda aan idiinku nicmeeyey, oo oofiya ballanteyda (idin saaran, ee ah inaad rumeysaan Nabi Muxammad), waxaan oofin ballantaan idinka qaaday (oo ah inaan markaas idinku abaalmariyo janno), Anigoo Keliyana iga cabsada.
2:41 41. Rumeeyana waxaan soo dejiyey (Qur’aanka) xaqiijinaya waxaad haysataan (Towraadda iyo Injiilka), oo ha noqonnina kuwa u horreeya ee ku gaalooba (Qur’aanka iyo Nabi Muxammad), hana siisannina Aayadahayga (ku cad Kutubtiinna ee ka hadlaya imaanshaha Nabi Muxammad) qiimo yar (si aad u qarisaan), Anigoo Keliyana iga cabsada (oo iska jira xumaha).
2:42 42. Hana ku dheehina Xaqa waxaan jirin oo been ah,oo ha qarinnina Xaqa (imaanshaha Nabi Muxammad ee ku qoran Kutubtiinna Towraadda iyo Injiilka) idinkoo ogsoon.
2:43 43. Ooga salaadda, bixiyana Sakada, lana rukuuca jamaca Rukuucayaasha.
2:44 44. Ma waxaad amraysaan samaan dadka oo hilmaameysaan nafahiinna [10] idinkoo akhriya Kitaabka? Miyeydaan wax fahmin?
2:45 45. Kaalmaysta Sabarka iyo salaaddda, wayna ku weyn tahay (culus tahay salaadda) kuwa 'ku' khushuuca 'salaadda' mooyee.
2:46 46. Kuwa huba inay la kulmi Rabbigood, iyo inay Xaggiisa u soo laaban (Qiyaamada).
2:47 47. Ilmahii Israa’iilow! Xusuusta Nicmad- deyda aan idiinku nicmeeyey, iyo inaan idinka doortay dadkii (waqtigiinna Anigoo idiin soo diray Rusul oo idinku soo dejiyey Kutub oo idinka yeelay boqorro).
2:48 48. Iska jirana Maalin marka aysan nafi wax u tareyn naf kale, oo aan laga aqbaleyn shafeeco, lagana qaadanayn madax furasho, loona gargaareyn.