>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 69

3:149 149. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan gaalada, waxay dib idiinku celin cirbihiinna, markaas waxaad soo guddoomi idinkoo khasaaro ku sugan [28].

3:150 150. Mayee! Alle baa ah Gargaarihiin, Isagaana u wanaagsan gargaarayaasha.

3:151 151. Waxaan ku tuuri argagax quluubta kuwa gaalooba, sababta la wadaajintooda Alle waxaas uusan u soo dejin wax xujo ah; hoygooduna waa Naar. Xumaa hoyga daalimiinta (gar ma qaatayaasha).

3:152 152. Dhabtii Alle wuu idiin oofiyey Ballankiisii, markaad ku leyseen (cadowgiinna) Idankiisa, ilaa markaad qalbi jabteen oo aad isku qabsateen arrinka, oo aad caasideen [29] kaddib markuu idin tusiyey waxaad jeceshihiin. Waxaa idinka mid ahaa qaar rabay adduunyadan, waxaana idinka mid ahaa qaar rabay Aakhirada. Markaasuu idinka jeediyey xaggeeda, si uu idiin imtixaano. Dhabtiina wuu idiin cafiyey. Alle wuu u Roon yahay mu`miniinta.

3:153 153. Markaad cararteen idinkoo xiimaya aan cidna jalleeceyn, Rasuulkuna uu idiinka dhawaaqayey gadaashiinna [30], markaasuu Wuxuu idinku abaal mariyey hammi kale halkii hammigiinna [31], si aydaan uga murugoon waxa idin dhaafay, iyo waxa idinku dhacay midna. Alle waa u Xog Ogaal waxaad fashaan.