Cabdullaahi Xasan Yacquub — 67
3:133 133. U degdega denbi dhaaf xagga Rabbigiin ah iyo Beer (Janno) ballaceedu le'eg yahay samooyinka iyo arlada, loo diyaariyey kuwa 'ka' dhowrsada 'xumaha'.
3:134 134. Ee ah kuwa wax bixiya waqtiga ladnaanta iyo lurnaanta, iyo kuwa liqa cadhadooda, oo iska cafiya dadka. Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
3:135 135. Kuwa markay falaan xumaan ama dulmiyaan nafahooda [25], xusuusta Alle, weydiistana in laga dhaafo denbiyadooda; yaa dhaafa denbiyada aan Alle aheyn, oo aan kas iyo ogaal ugu adkeysan waxay faleen (oo denbi ah).
3:136 136. Kuwaa abaalgudkoodu waa denbi dhaaf xagga Rabbigood ah, iyo beero (Jannooyin) ay hoostoodu qulqulaan webiyo oo ay ku dhex waarayaan weligood, wanaagsanaa abaalka kuwa camal san fasha.
3:137 137. Waxaa jiray tusaalooyin idinka hortiin, ee mara dhulka oo fiirsha siday ku dambeysey cidhibta kuwa (Xaqa) beeniyay.
3:138 138. Kanu (Qur’aanku) waa hadal u cad dadka, waana u hanuun iyo waano kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
3:139 139. Ha tabar yaraannina, hana murugoonnina, idinkaa sarreyn, haddaad tihiin mu’miniin.
3:140 140. Hadduu idinku soo gaaray dhaawac (Uxud), waxaa soo gaaray dhaawac la mid ah qoloda (gaalada) ah; waxaana ugu keennaa maalmaha dadka dhexdood si moogaaleysi ah, si uu Alle u muujiyo kuwa rumeysan, idiinkana sameysto shuhado. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka).