Cabdullaahi Xasan Yacquub — 66
3:122 122. Markii labo kooxood oo idinka mid ah goosteen inay cabsi muujiyaan [22], Alle baana ahaa Gargaarahooda. Ee Alle uun ha isku halleeyeen oo tala saarteen mu’miniintu.
3:123 123. Wuxuu Alle idiinku gargaaray dagaalkii Badar idinkoo ahaa kuwo tabar yar. Ee Alle ka cabsada, si aad u mahdisaan.
3:124 124. (Xusuuso) markaad ku lahayd mu’miniinta: Miyaanay idinku fillayn inuu Rabbigiin idinku taageero saddex kun oo ka mid ah malaa’gta oo soo degi?
3:125 125. Haayoo, haddaad samir yeelataan oo aad iska ilaalisaan (xumaha), oo idinku yimaadaan (gaalada) iyagoo rooraya si degdeg ah, wuxuu Rabbigiin idinku taageeri shan kun oo malaa’ig ah oo calaamadeysan.
3:126 126. Uma yeelinna Alle (arrinkaas) waxaan ahayn bishaaro la idin siiyo, iyo inay ku degto quluubtiinna. Guusha kama timaaddo waxaan aheyn xagga Alle, Adkaadaha, Xakiimka ah.
3:127 127. Si uu u baal gooyo qaar ka mid ah gaalada ama uu u dulleeyo, oo ay noqdaan iyagoo hungo ah [23].
3:128 128.Waxba amarka kuma lihid 'Nabiyow' [24], ama wuu ka tawbad aqbali ama wuu ciqaabi, hubaal iyagu waa daalimiin.
3:129 129. Alle baana iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wuxuu u denbi dhaafaa qofkuu doono, oo cadaabaa qofkuu doono. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
3:130 130. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha cunina Ribada idinkoo ka yeelaya labo laabyo la sii labo laabay, Allena ka cabsada aad liibaantaane.
3:131 131. Iska jira Naarta loo diyaariyey gaalada.
3:132 132. Adeeca Allaah iyo Rasuulka (Nabi Muxammad) si la idiinku naxariisto.