Cabdullaahi Xasan Yacquub — 64
3:109 109. Alle baana leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. xagga Allayna umuurahoo dhan u noqdaan.
3:110 110. Waxaad tihiin (Muslimiintoy) tan u khayr badan ummadaha ee loo soo saaray dadka; Waxaad amartaan samaha, reebtaanna xumaha, oo rumeysan tihiin Alle. Haddayna ehlul Kitaabku rumeyn lahaayeen (Islaamka), waxay u ahaan laheyd wax u khayr badan iyaga; waxaa ka mid ah qaar mu'miniin ah (oo islaamay), badankooduse waa caasiyaal.
3:111 111. Idiinma geysan karaan waxyeello, dhib yar maahee; oo hadday idin la dagaalla- maan dhabarkay idiin jeedin, loona gargaari maayo.
3:112 112. Dulli baa la raacshay dushooda meel kastoo laga helo (marka ma leh awood iyo magan gelyo), waxaan aheyn markay ku hoos jiraan axdi (magan) xagga Alle ah (iyagoo bixin jizyo), ama axdi (magan) xagga dadka ah, waxayna la noqdaan Cadho xag Alle ah, oo dar xumo baa la saaraay korkooda. Arrinkani waxaa ugu wacan inay diidaan Aayadaha Alle oo ku dilayeen Nabiyadii xaq darro. Arrinkani waxaa ugu wacan inay (Alle ku) caasiyaan oo xadgudbaan.
3:113 113. Ma aha isku wada mid; waxaa ka mid ah ehlul Kitaabka koox toosan [19]; waxay akhriyaan Aayadaha Alle waqtiyada habeenka oo sujuudaan.
3:114 114. Waxay rumeysan yihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro; waxayna amraan samaha oo reebaan xumaha [20]; oo iskula tartamaan u degdegidda camallada khayrka, kuwaa waxay ka mid yihiin kuwa wanaagsan.
3:115 115. Waxay falaan oo khayr ahna lagama dayrin doono abaalkooda; Alle wuu Og yahay kuwa ka cabsada ee iska jira (xumaha).