>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 62

3:92 92. Marnaba ma haleeleysaan ajarka wanaagsan (ee lagu muto Jannada) jeer aad bixisaan wax ka mid ah waxaad jeceshihiin; waxaad bixisaanna oo wuxuun ah, hubaal Alle wuu Ogsoon yahay.

3:93 93. Cunto oo dhan xalaal bay u ahayd Ilmahii Israa`iil, wixii uu Israa`iil (Nabi Yacquub) ka xaaraameeyay naftiisa maahee intaan la soo dejin Towraadda [15]. Dheh: Keena Tawraadda oo Akhriya, haddaad run sheegaysaan.

3:94 94. Qofkii ka been sheega Alle intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah daalimiinta.

3:95 95. Dheh: Run buu sheegay Alle; ee raaca diinta Ibraahiim, toosnihii, kamana mid aheyn mushrikiinta.

3:96 96. Xaqiiq, Gurigii ugu horreeyay ee loogu cayyimay dadka (cibaado) waa midka ku yaal Bakkah [16], barakaysan, ee u ah hanuun ummadaha [17].

3:97 97. Waxaa ku dhex yaal (Kacbada) calaamooyin cad, (sida) Maqaamkii Ibraahiim; qofkii soo gala wuxuu ahaan aamin. U xajinta beytkana (Kacbada) waa xil saaran dadka dar Alle, qof kasta oo kara inuu u socdaalo xaggiisa [18]. Qofkii beeniya (faral ahaanta Xajka), hubaal Alle wuu ka kaaftoon yahay uumanka.

3:98 98. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle, Allena wuu u jeedaa waxaad fashaan?

3:99 99. Dheh: Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga hor istaagtaan Jidka Alle kan rumeysan, waxaad rabtaan (inaad ka dhigtaan) mid qalloocan, idinkoo marag ka ah? Alle ma mooga waxaad fashaan.

3:100 100. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad adeecdaan qaar ka mid ah kuwa la siiyay (hortiin) Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada), Waxay dib idiinku celin gaalo ahaan iimankiinna kaddib.