>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 61

3:84 84. Dheh: Waxaanu rumeynay Alle, iyo waxa nalagu soo dejiyey (ee Waxyi ah), iyo waxa lagu soo dejiyey Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo (Nabiyadii ahaa) firkiisa iyo waxa laga siiyey Muuse iyo Ciise iyo Nabiyada xagga Rabbigood. Ma kala soocno midkoodna. Innaguna Alleynu u hoggaansannahay.

3:85 85. Qofkii doonana waxaan aheyn Islaamka diin (iyo dhaqan) ahaan, marnaba lagama aqbalayo, wuxuuna Aakhirada ka mid ahaan kuwa ku sugan khasaaraha.

3:86 86. Sidee Alle u hanuunin qolo gaaloobay rumayntooda kaddib, iyo (kaddib) markay qireen in Rasuulku xaq yahay oo xujooyin cad ay u yimaadeen? Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah (gar diidka).

3:87 87. Kuwaasi abaalkoodu waa inay korkooda ahaato Nacladda Alle , iyo malaa`igta iyo dadkoo dhan.

3:88 88. Iyagoo ku dhex waaraya, cadaabka lagama khafiifinayo, lamana siinayo nafis.

3:89 89. Kuwa tawbad keena (xumo falkooda) kaddib oo wanaagsanaada mooyee. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

3:90 90. Hubaal, kuwa gaalooba rumayntoodii kaddib, haddana kororsada gaalnimo, lagama aqbalo tawbadooda (ay sheegtaan), waana kuwaa kuwa lunsan.

3:91 91. Hubaal, kuwa gaalooba oo dhinta iyagoo gaalo ah, lagama aqbalo midkoodna dhulka muggi oo dahab ah walow uu u isku furto. Kuwaa weeye kuwa leh cadaab xanuun badan, mana leh wax u soo gargaari (oo u shafeeci Aakhirada).