Cabdullaahi Xasan Yacquub — 604
112:1 1. Dheh: Allaah waa Mid Keliya [1].
112:2 2. Allaah waa Sayidka Deeqtoon [2].
112:3 3. Ma dhalin [3], lamana dhalin [4].
112:4 4. Mana jiro axad u dhigma [5].
113:1 1. Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga oogga (dillaacsha, waa Alle'e),
113:2 2. Sharka wuxuu abuuray;
113:3 3. Iyo sharka habeenka mugdiga badan markuu mugdigiisa daboolo (samada iyo arlada dhexdooda).
113:4 4. Iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha (saaxirooyinka iyo sixiroolayaasha).
113:5 5. Iyo sharka xaasidka markuu wax xasdo.
114:1 1. Dheh: Waxaan ka magan galayaa Rabbiga dadka.
114:2 2. Boqorka dadka.
114:3 3. Ilaaha dadka.
114:4 4. Sharka waswaasiyaha (sheydaanka) soo noqnoqodka badan.
114:5 5. Kaasoo waswaasiya laabaha dadka.
114:6 6. (Shaydaankaa) oo jin iyo dadba leh.