>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 603

109:1 1. Dheh: Gaalooy.

109:2 2. Anigu ma caabudayo waxaad caabudeysaan,

109:3 3. Idinkuna ma caabuddaan Kaan Anigu caabudo (Alle Keliya).

109:4 4. Anigu ma caabudayo waxaad idinku caabudeysaan (oo ilaahyo been ah).

109:5 5. Idinkuna ma caabuddaan Kaan anigu caabudo (Alle Weyne kor ahaaye).

109:6 6.Waxaad leedihiin diintiinna (camalkiinna), aniguna waxaa leeyahay diinteyda (camalkeyga, oo barii baan idinka ahay).

110:1 1. Markuu yimaado Gargaarka Alle iyo guusha (Furashada Makkah).

110:2 2. Oo aad aragto dadka oo u soo galaya diinta Alle (Islaamka) rac-rac (kooxo),

110:3 3. Markaas ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa, weydiisona Denbi Dhaaf. Hubaal Alle waa Tawbad aqbal Badane.

111:1 1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab [1], hoogyeyna [2].

111:2 2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday.

111:3 3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan.

111:4 4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan),

111:5 5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah.