>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 602

106:1 1. Caadeysigii Quraysh darteed.

106:2 2. Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jilaalka (si nabdoonaan ah ganacsiga).

106:3 3. Ee ha caabudeen Rabbiga Baytkan (Kacbada Makkah ku taal).

106:4 4. Kaasoo ka quudiyey gaajo, kana aamin yeelay cabsi.

107:1 1. Ka warran kan beeniya is abaal marinta (Aakhiro).

107:2 2. Kaasu waa kan ula dhaqma agoonta si qallafsan [1].

107:3 3. Oo aan ku dhiirra gelin (dadka) quudinta miskiinka [2].

107:4 4. Waxaa hoog leh kuwaa tukada (munaafiqiinta ah),

107:5 5. Ee ka dhoohan salaaddooda (ka dib dhiga waqtiyadooda).

107:6 6. Kuwaasoo u fala (samaha) si loo arko.

107:7 7. U diida (dadka) maacuunta (waxyaalaha yar yar ee laysugu kaalmeeyo, zako iyo sadaqo iyaga warkoodba daaye).

108:1 1. Waxaanu xaqiiq ku siinnay (Nabi Muxammadow) Al-Kawthar (webi ah Jannada iyo khayr tiro badan).

108:2 2. Ee u tuko Rabbigaa Dartiis, (oo u) gawrac xoolo (adigoo Isaga Keliya Magaciisa ku xusi, uguna dhowaan).

108:3 3.Hubaal nacabkaaga waa kan cidhib go’i [1].