>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 601

103:1 1. Waxaan ku dhaartay waqtiga.

103:2 2. Hubaal Aadmigu wuxuu ku sugan yahay khasaaro dhan.

103:3 3. Kuwa (Xaqa) rumeeyey mooyee oo samaha fala, ee isu dardaraama Xaqa (iyo caddaalad falka), isuna dardaarama sabarka (iyo sugnaanta).

104:1 1. Hoog waxaa leh dure kasta, wax xanta.

104:2 2. Kaasoo maal ururiya oo u heysta sahay ahaan (aanse ka bixin xaqa lagu leeyahay: sakada, iwm);

104:3 3. Wuxuu moodaa in maalkiisu waarin.

104:4 4. Mayee! Waxaa lagu tuuri burburisada.

104:5 5. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay burburisadu tahay?

104:6 6. Waa Naar Alle oo la huriyey.

104:7 7. Ee kor ugu baxda quluubta dushooda (iyadoo gubeysa),

104:8 8. Waxaa lagaga xidhi dusha (gaalada).

104:9 9. Tiirar la taagay dhexdood.

105:1 1. Mawaadan ogaan sida Rabbigaa u galay qoladii maroodiga?

105:2 2. Sow kama uu dhigin dhagartoodii wax dhumay (ku dhammaaday jab iyo jah wareer),

105:3 3. Oo ku soo dirin shimbiro guutoooyin ah,

105:4 4. Ku soo ganeysa dhagaxyo dhoobo la kululeeyey ah,

105:5 5. Markaas ka yeelay sidii bal la daaqay?