>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 600

100:6 6. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).

100:7 7. Isaga baana taasi ka markhaati ah.

100:8 8. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka.

100:9 9. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.

100:10 10. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.

100:11 11. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).

101:1 1.Garaacdada (qalbiyada waa Qiyaamada).

101:2 2. Maxay tahay Garaacdadu?.

101:3 3. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay Garaacdadu?

101:4 4. Waa Maalintay dadku noqon sida baalallay kala firdhay.

101:5 5. Oo buurahu noqon sida cudbi la dhilay.

101:6 6. Qofka miisaankiisa (camallada wanaagsan) uu culeys yahay.

101:7 7. Wuxuu ku noolaan nolol barwaaqo iyo farxad leh oo raalli lagu yahay (Janno).

101:8 8. Qofkase uu miisaankiisa (camallada wanaagsan) fudeyd yahay.

101:9 9. Hoygiisu waa Haawiya.

101:10 10. Maxaa ku ogeysiiyeyna waxay tahay?

101:11 11. (Waa) Naar kuleyl badan.

102:1 1. Waxaa idin shuqliya (dadow) adduun badsi (iyo isu faan).

102:2 2. Ilaa aad siyaarataan qubuuraha (macnaha dhimataan oo la idinku aaso).

102:3 3. Mayee! Waad ogaan doontaan.

102:4 4. Misna, mayee! Waad ogaan doontaan.

102:5 5. Mayee! haddaad og tihiin ogaansho dhab ah.

102:6 6.Waxaad hubaal arki Naarta ololka badan.

102:7 7. Markaas waxaad u ark si yaqiin leh.

102:8 8. Waxaana Maalintaa la idin weydiin Nicmooyinkii (Alle idinku galladeystay).