Cabdullaahi Xasan Yacquub — 60
3:78 78. Waxaa ka mid ah (Yuhuudda) koox ku leexisa carrabyadooda Kitaabka (Towraadda) si aad u mooddaan inuu ka mid yahay Kitaabka, isagoon ka mid ahayn Kitaabka, waxayna yidhaahdaan: wuxuu ka yimid Xagga Alle isagoo aan ka iman xagga Alle, waxayna ka sheegaan Alle been iyagoo ogsoon.
3:79 79. Kuma habboona qof inuu Alle siiyo Kitaab iyo Xukun iyo Nabinnimo, markaas uu ku yidhaahda dadka: Ii noqda addoomo halkii Alle; (wuxuuse halkii taa yidhaahdaa): Ahaada caabudayaal Rabbi, Kitaabka aad bareysaan dartiis, iyo waxaad akhrinaysaan.
3:80 80. Idinmana amrayo inaad ka dhigataan malaa’igta iyo Nabiyada rabbiyo, ma wuxuu idin amrayaa gaalnimo intaad Muslimiin noqoteen kaddib?
3:81 81. (Xus) markuu Alle ka qaaday Nabiyada ballan adag [14]: waxaan idin siiyoba ee Kitaab iyo Xikmad ah, markaas idiin yimaado Rasuul xaqiijin waxaad haysataan, waa inaad rumeysaan oo u gargaartaan; Wuxuu yidhi: Ma qireysaan oo ma qaadeysaan wacadkay (arrinkan)? Waxay yidhaahdeen: Waanu qirnay. Wuxuu yidhi: Markhaati ka ahaada; Aniguna (sidoo kale) waxaan ahay la jirkiin mid ka mid ah markhaatiyada.
3:82 82. Qofkii jeesada intaas kaddib, kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.
3:83 83.Ma waxaan ahayn diinta Alle (Islaamka) bay rabaan (inay raacaan), Isagoo ay (Alle) u hoggaansan yihiin waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, oggolaan ama sandulleba, Xaggiisaana loo celin.