>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 6

2:30 30. (Xus, Nabiyow) markuu Rabbigaa ku yidhi malaa’igta: Waxaan yeeli dhulka facyo is xigsada oo maamula. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad yeelaysaa gudaheeda kuwo fasahaadsha oo dhiig daadsha, innagoo ku tasbiixsanna xamdigaaga oo ku hufna, oo ku xurmo weyneyna. (Alle) Wuxuu yidhi: Waxaan ogahay wax aydaan ogeyn.

2:31 31. Wuxuu (Alle) baray Aadam magacyada shey waliba, markaasuu u soo bandhigay malaa’igta oo yidhi: Ii sheega magacayda kuwani, haddaad run sheegaysaan.

2:32 32. Waxa yidhaahdeen: "Xurmo oo dhan Adigaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan. Ma lihin cilmi aan aheyn waxaad na bartay". Hubaal waa Adiga wax kasta Ogaha, Xakiimka ah.

2:33 33. (Alle) wuxuu yidhi: Aadamow! U sheeg magacyadooda. Markuu u sheegay magacyadooda, Wuxuu (Alle) yidhi: Miyaanan idinku odhan waxaan Anigu Ogahay waxaan muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, waxaana Ogahay waxaad muujisaan iyo waxaad qarisaan?

2:34 34. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay sujuudeen Ibliis mooyee, waa uu diiday oo isla weynaaday, oo ahaaday mid ka abaal dhaca Alle (oo ku caasiya Amarkiisa).

2:35 35. Waxaanu nidhi: Aadamow! Dega adiga iyo xaaskaaga Jannada, oo ku cuna bashbash iyo barwaaqo meeshaad doontaanba, hase u dhowaannina geedkan, si aydaan ugu dhicin gef (denbi).

2:36 36. Shaydaanka baase ka sidbiyey oo ka soo saaray (halkaa) ay ku jireen (Jannada); Waxaana nidhi: Ka dega (dhammaantiin halkan) iyagoo qaarkiinba qaar u yahay cadow. Waxaadna ku leedihiin arlada degaan iyo sahay muddo go'an leh.

2:37 37. Markaasuu Aadam ka helay Rabbigiis ereyo uu ku ilhaamiyey [9], wuuna ka tawbad aqbalay. hubaal (Alle) waa Tawbad Aqbalaha, Naxariista Badan.