Cabdullaahi Xasan Yacquub — 599
98:6 6. Xaqiiq, kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka.
98:7 7. Xaqiiq, kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka.
98:8 8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi 'oo ka dhowrsada xumaha'.
99:1 1. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada).
99:2 2. Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),
99:3 3. Aadmigu yidhaahdo: Maxay leedahay?
99:4 4. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda.
99:5 5. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed.
99:6 6. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda.
99:7 7. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki,
99:8 8. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki.
100:1 1. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).
100:2 2. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.
100:3 3. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,
100:4 4. Ee boodhka kiciya,
100:5 5. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';