Cabdullaahi Xasan Yacquub — 598
96:13 13. Bal ka warran hadduu kaasina (gaalka ahi) beeniyo Xaqa, kana jeesado?
96:14 14. Mawuusan ogeyn in Alle arko?
96:15 15. Mayee! Haddii uusan meel joogin, waxaanu hubaal qaban foodda,
96:16 16. Food beenley ah oo gefley ah.
96:17 17. Ha u yeedho golihiisa.
96:18 18. Waxaanu u yeedhi malaa’ig daran.
96:19 19. Mayee, ha adeecin oo sujuud, una dhowow (Alle).
97:1 1. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.
97:2 2. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?
97:3 3. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].
97:4 4. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,
97:5 5. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].
98:1 1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad.
98:2 2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah.
98:3 3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan.
98:4 4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid [1].
98:5 5. Lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan.