Cabdullaahi Xasan Yacquub — 597
94:3 3. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
94:4 4. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
94:5 5. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.
94:6 6. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.
94:7 7. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
94:8 8. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.
95:1 1. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
95:2 2. Iyo Buurta Siinaay [2].
95:3 3. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],
95:4 4. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
95:5 5. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].
95:6 6. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
95:7 7. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
95:8 8. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?
96:1 1. Ku akhri 'Nabiyow' Magaca Rabbigaa ee abuuray (wax waliba).
96:2 2. Ka abuuray aadmiga xinjir.
96:3 3. Akhri! Rabbigaana waa Sharaf Badnaha,
96:4 4. (Dadka) baray sida wax loogu qoro qalinka.
96:5 5. Baray Aadmiga wax uusan aqoon.
96:6 6. Mayee! Aadmigu (kan gaalka ahi) wuu xadgudbaa oo kibraa.
96:7 7. Markuu isku ogaado Hodantinnimo iyo deeqtoonaan.
96:8 8. Hubaal! Waa xagga Rabbigaa noqodku.
96:9 9. Ka warran midka ka reeba.
96:10 10. Addoon (Alle) oo tukan salaad?
96:11 11. Bal ka warran hadduu ku sugan yahay (addoonkaa) jid toosan?
96:12 12. Amaba uu amro Alle ka cabsiga iyo xume ka dhowrsiga?