>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 595

90:19 19. Kuwase ku gaalooba Aayadahayaga waa kuwaas qolada Bidixda (ehlu Naarka).

90:20 20. Waxaa lagu dabooli dushooda Naar (dab aan dameyn ah).

91:1 1. Waxaan ku dhaartay qorraxda iyo caddaanta barqadeeda;

91:2 2. Iyo dayaxa markuu raaco (qorraxda).

91:3 3. Iyo maalinta markay muujiso (arlada) oo ifiso.

91:4 4. Iyo habeenka markuu daboolo arlada (oo madoobaado).

91:5 5. Iyo samada iyo siduu (Alle) u dhisay;

91:6 6 Iyo arlada iyo siduu (Alle) u fidshay,

91:7 7. Iyo nafta iyo siduu (Alle) u ekeeyey.

91:8 8. Markaas kala garansiiyey xumaheeda iyo toosnideeda,

91:9 9. Waxaa liibaani qofka (ka) daahiriya naftiisa (shirki iyo macaasi).

91:10 10. Waxaa khasaari qofka xumeeya naftiisa.

91:11 11. Thamuud waxay beeniyeen (Xaqa) kibirkoodii darti.

91:12 12. Markuu soo baxay koodii uga sharka badnaa (si uu hasha u dilo).

91:13 13. Markaasuu Rasuulkii Alle (Nabi Saalix) ku yidhi : Iska daaya Hasha Alle (ha dilana) oo siiya waraabkeeda.

91:14 14. Wayse beeniyeen oo boqna gooyeen hashii (dileen). Markaasuu Rabbigood u baabbi’yey denbigoodii dartiis, oo dhulka la simay (ama ka wada simay ciqaabkii).

91:15 15. Kama uuna cabsado cidhibteeda [1].

92:1 1. Waxaan ku dhaartay habeenka markuu daboolo (waxa samada iyo arlada dhexdooda ah).

92:2 2. Iyo maalinta markay muuqato (ifto);

92:3 3. Iyo abuurista labka iyo dheddigga.

92:4 4. Xaqiiq, camalkiinnu (dadow) waa kala duwan yahay.

92:5 5. Ma kan bixiya (xuquuqda lagu leeyahay) oo iska jira (shirki iyo macaasi).

92:6 6. Ee rumeeya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada):

92:7 7. Waxaan u fududeyneynaa jidka fudud (Islaamka).

92:8 8. Qofkiise ku bakheyla (maalka) oo isu arka mid deeqtoon (iskibriya).

92:9 9. Oo beeniya tan wanaagga badan ee fiican (Jannada).