>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 594

89:23 23. Oo la keeno Maalintaas Naarta. Maalintaas buu Aadmigu (gaalku) waansami, maxayse waantoobidda (markaa) u tari?

89:24 24. Wuxuu odhan: Alla haddaan u soo hormarsan lahaa wanaag noloshaydatan (Aakhirada).

89:25 25. Maalintaas, cidna wax uma cadaabto (si daran sida) Cadaabka (Alle) oo kale.

89:26 26. Cidna wax uma xidho (si adag sida), Xidhidda (Alle) oo kale.

89:27 27. (Waxaa lagu odhan mu'minka): Naf yahay xasillooneey.

89:28 28. U noqo Rabbigaa, adigoo raalli ah oo raalli lagaa yahay.

89:29 29. Ee gal addoomaheyga (wanaagsan) dhexdood.

89:30 30. Gal Jannadeyda.

90:1 1. Waxaan ku dhaartay magaaladan (Makkah ee xurmadda leh).

90:2 2. Waa kuu xalaal (Nabiyow inaad saacad ku dagaallanto) magaaladan [1] (aad horey u degganeyd).

90:3 3. Waa igu waalidka (Ibraahiim) iyo wiilkiisa 'Ismaaciil' [2].

90:4 4. Waxaan abuurnay aadmiga isagoo dhib iyo howl (kala kulmi nolosha adduunka).

90:5 5. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna awood ku dul lahayn?

90:6 6. Wuxuu leeyahay (isagoo ku faani): Waxaan lumiyey maal tiro badan.

90:7 7. Ma wuxuu moodaa inaysan cidna arag?

90:8 8. Miyaannaan u yeelin labo indhood?.

90:9 9. Iyo carrab iyo labo bishimood?

90:10 10. oo aan tusin labada jidood (khayrka iyo sharka)?.

90:11 11. Ee muu ka gudbo jidka buurta ah?

90:12 12. Maxaa ku ogeysiiyey (waxa looga gudbo) jidka buurta ah?

90:13 13. Waa addoon la xoreeyo.

90:14 14. Ama siinta cunno maalin gaajo (abaar) jirto.

90:15 15. Agoon kuu dhow.

90:16 16. Ama miskiin dhulka yaal.

90:17 17. Haddana ka mid ah kuwa (Xaqa) rumeeyey, oo iskula dardaarma sugnaanta iyo samirka, oo (sidoo kale) iskula dardaarma naxariista (iyo is jeclaanta).

90:18 18. Waa kuwaas qolada Midigta (Jannada).