Cabdullaahi Xasan Yacquub — 592
87:11 11. Waxaana ka fogaan 'waanada' qofka xun.
87:12 12. Kaasoo geli Naar weyn oo ku guban.
87:13 13. Uusan ku dhimanayn dhexdeeda, kuna noolaanayn.
87:14 14. Waxaa liibaani qofkii ka daahiriya naftiisa (shirkiga iyo macaasida).
87:15 15. Oo xusa Magaca Rabbigi oo tukada.
87:16 16. Waxaadse door biddaan nolosha adduunkan;
87:17 17. Aakhiro baase khayr badan oo baaqi ah.
87:18 18. Hubaal (hadal)kani wuxuu ku yaal Kututbtii hore,
87:19 19. Kutubtii Ibraahiim iyo Muuse.
88:1 1. Mawuusan kuu iman warka dabooshada (Qiyaamada).
88:2 2. Wejiyaal maalintaas waxay ahaan kuwo dullaysan (waa gaalada).
88:3 3. (Ku) howlan (adduunka caabuddaada cid kale la jirka Alle), daallan (Aakhirada).
88:4 4. Gali Naar kulul oo ku guban.
88:5 5. Waxaa laga waraabin il kulul oo kareysa.
88:6 6. Ma laha wax cunto ah qodxo maahee.
88:7 7. Kaasoo aan waxna cayilineynin, gaajona wax ka tareyn.
88:8 8. Wejiyo Maalintaas waxay ahaan kuwo nicmeysan (waa wejiyada mu'miniinta).
88:9 9. Raalli ah dadaalkoodii darti.
88:10 10. Ku sugnaan Janno sare gudaheed.
88:11 11. Aysan ku maqleyn hadal macno darro ah.
88:12 12. Waxaa ah dhexdeeda il socota.
88:13 13. Iyo sariirro la kor yeelay.
88:14 14. Iyo koobab diyaar laga dhigay.
88:15 15. Iyo barkimooyin la safay.
88:16 16. Iyo gogollo la fidshey.
88:17 17. Mawaysan fiirin geela, sida loo abuuray?
88:18 18. Iyo cirka, sida loo kor yeelay?
88:19 19. Iyo buuraha, sida loo taagay?
88:20 20. Iyo dhulka, sida loo fidiyey?
88:21 21. Ee waani (dadka), waayo waxaad adigu (Nabiyow) uun tahay waaniye.
88:22 22. Ma tihid adigu mid qasab ku leh.