Cabdullaahi Xasan Yacquub — 591
86:1 1. Waxaan ku dhaartay samada iyo Xiddigga guura.
86:2 2. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu xiddiga guura) yahay?
86:3 3. Waa xiddiggaa iftiinka badan.
86:4 4. Ma jirto naf aanu kor joogin ilaaliye (malag).
86:5 5. Ee ha fiiriyo qofka waxa laga abuuray.
86:6 6. Waxaa laga abuuray biyo horay u soo booda.
86:7 7. Oo ka yimaada dhabarka iyo feeraha dhexdood,
86:8 8. Hubaal (Alle) wuu Karaa inuu u soo celiyo nolosha (dhimasho kaddib).
86:9 9. Maalinta waxyaalaha qarsoon iyo siraha la soo bandhigi (xaqiiqdooda).
86:10 10. Ma leh (gaalku Maalintaas) xoog ama wax u soo gargaara midna.
86:11 11. Waxaan ku dhaartay cirka leh roobka soo noqnoqda.
86:12 12. Iyo dhulka dil-dillaaca badan (ee soo saara dhirta iyo daaqa),
86:13 13. Xaqiiq, kani (Qur'aanku) waa hadal cad oo kala saara (xaqa iyo baadilka).
86:14 14. Oo ma aha dhayal (dheel).
86:15 15. Xaqiiq (gaaladu) wax bay dhagri oo qorsheyn.
86:16 16. Aniguna (sidoo kale) Waxaan qorsheyn qorshe.
86:17 17. Ee u sug gaalada: Daa wax yar.
87:1 1. Xurmo weynee oo ku tasbiixso Magaca Rabbigaa ee Sarreeya.
87:2 2. Ee abuuray (uunka) oo ekeeyey.
87:3 3.Ee ah Kan wax walba qaddaray, ee hagay.
87:4 4. Ee ah Kan soo saara daaqa.
87:5 5. Ka dhiga markaas kaddib caws engagan oo madow.
87:6 6. Waxaan kuu akhriyeynaa (Nabiyow) Qur’aanka mana illaaweysid,
87:7 7. Wuxuu Alle doono ma’ahee, Wuxuu xaqiiq Og yahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
87:8 8. Waxaanu kuu fududeyn waddada sahlan (Islaamka).
87:9 9. Ee waani, markay wax tari waanadu.
87:10 10. Waxaa waantoobi Kan (ka) baqa (Alle).