Cabdullaahi Xasan Yacquub — 590
84:25 25. Hase yeeshee kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxay leeyihiin abaalgud aan marnaba go’eynin (waa Jannada'e).
85:1 1.Waxaan ku dhaartay samada xiddigaha waaweyn leh iyo (jidadkooda).
85:2 2. Iyo Maalinta ballanta ah (Qiyaamada).
85:3 3. Iyo Mid marag furi oo Nabiga ah iyo kuwo lagu marag furi 'oo ummadda ah.'
85:4 4. Lacnadi ha ku dhacdo qoladii godka lahaa (mu'miniinta lagu caddibo).
85:5 5. Ee ahaa dab olol iyo huritaan badan.
85:6 6. Iyagoo (gaaladu) kor fadhiyeen (godka).
85:7 7. Waxay ka ahaayeen goob joog waxay ku falayeen (oo gardarro ah) Mu’miniinta.
85:8 8. Kuma ay qoonsan wax kale aan aheyn inay rumeeyeen Allaah, Adkaadaha Sharafta leh, Ammaanan.
85:9 9. Ee iska leh Mulkiga (iyo Maamulka) samooyinka iyo arlada! Alle wax walba waa u Jeedaa.
85:10 10. Xaqiiq kuwa caddiba mu’miniinta iyo mu’minooyinka, haddana aan tawbad keenin, waxay mudan cadaab Naar ah, waxayna mudan cadaab gubeysa.
85:11 11. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin beero hoostoodu ay webiyo qulqulaan. Kaasi baa ah Liibaanta Weyn.
85:12 12. Xaqiiq, Qabashada Rabbigaa (Ciqaabtiisu) way daran tahay.
85:13 13. Xaqiiq (Alle) Isagaa uumay (uunka) dibna u soo nooleyn (dhimasho kaddib).
85:14 14. Waana Denbi Dhaaf Badanaha, Jecel (kuwa adeeca).
85:15 15. Ee iska leh Carshiga Sharafta Badan.
85:16 16. Falaha Weyn ee wuxuu Doono.
85:17 17. Ma ku soo gaaray warka ciidammadii,
85:18 18. Fircoon iyo Thamuud?
85:19 19. Kuwase gaalooba waxay ku sugan yihiin beeninta Xaqa.
85:20 20. Allena wuu koobay (oo kama baxsan karaan).
85:21 21. Kani se waa Qur’aan Sharaf Badan.
85:22 22. Oo ku qoran Loox la dhowray (Looxul Maxfuudka).