>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 59

3:71 71. Ehlul-Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu dheeheysaan xaqa baadilka, oo u qarisaan xaqa idinkoo ogsoon?

3:72 72. Koox ka mid ah ehlul- Kitaabka (Yuhuudda) waxay yidhaahdeen: Rumeeya waxa lagu soo dejiyey oo Waxyi ah kuwa rumeeyey (Muslimiinta) gelinka hore ee maalinta, kuna gaalooba aakhirkeeda, bal inay ka soo noqdaan 'diintooda' [11].

3:73 73. Hana aaminina cid aan aheyn kan isagu raaca diintiinna (iyo dhaqankiinna). Dheh: Hanuunka (xaqa ah) waa hanuunka Alle (Islaamka), (oo ma xasdeysaan) si aan cidna loo siin (cilmi) la mid ah kan la idin siiyey, ama si ayan idinkula doodin Rabbigiin horti. Dheh: Fadli oo dhan wuxuu ku jiraa Gacanta Alle; Wuxuu siiyaa kuu doono. Alle waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.

3:74 74. Wuxuu u doortaa Naxariistiisa kuu doono. Alle waa Kan iska leh Fadliga Weyn.

3:75 75. Waxaa ka mid ah Ehlul-Kitaabka (Yuhuudda) mid haddaad ku aaminto maal tuuran kuu oofin; waxaana ka mid ah mid haddaad ku aaminto hal Diinnaar aan dib kuugu gudeyn inaad kor joogto ma’ahee adigoo dalbaya, waxaa arrinkani ugu wacan inay yidhaahdaan: Ma jirto korkeenna xagga kuwa aan aqoonta lahayn wax jid ah 'nalagu eedeeyo' [12]; waxayna Alle ka sheegaan been iyagoo ogsoon.

3:76 76. Haayoo, qofkii oofiya ballankiisa ee ka cabsada Ilaahay, hubaal Alle wuu jecel yahay kuwa iska jira (shirkiga iyo xumaha kale).

3:77 77. Kuwa ku iibsada Axdiga Alle [13] iyo dhaarahooda qiimo yar, kuwaas kuma laha wax saami ah Aakhirada. Alle lama hadlayo, mana eegayo Maalinta Qiyaamaha, mana daahirinayo, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.