Cabdullaahi Xasan Yacquub — 589
83:34 34. Maalinta (Qiyaame) kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay ku qosli gaalada.
83:35 35. Sariiro boqoreed (sare) korkood iyagoo ka daawan.
83:36 36. Miyaan laga abaal marin gaalada waxay (xume) falayeen?
84:1 1. Markay samadu dildillaacdo (Qiyaamada).
84:2 2. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo;
84:3 3. Marka arlada la fidiyo,
84:4 4. Oo u soo tuurto debedda waxa gudaheeda ku jira oo ka marnaato,
84:5 5. Oo ay adeecdo Rabbigeed, waana xaq inay adeecdo [1].
84:6 6. Qofyahow! Waad dhibboon oo u camal fali xagga Rabbigaa, waadna la kulmi [2].
84:7 7. Ee ma kan lagu siiyo Kitaabkiisa gacantiisa midig,
84:8 8. Waxaa la xisaabin xisaab fudud.
84:9 9. Wuxuu u laaban ehelkiisa (Jannada ku sugan) isagoo faraxsan.
84:10 10. Kanse laga siiyo Kitaabkiisa dhabarkiisa gadaashiisa,
84:11 11. Wuxuu u yeedhan hoog iyo ba'.
84:12 12. Oo geli naar ololeysa oo hur badan.
84:13 13. Wuxuu ahaa xaqiiq mid Ehelkiisa dhexdooda (waagii adduunka) kibirsan.
84:14 14. Wuxuu xaqiiq moodayey inuusan marnaba (u) soo noqoneyn (Xaggayaga).
84:15 15. Haayoo, hubaal, Rabbigiis baa u jeeday.
84:16 16. Mayee, Waxaan ku dhaartay cir gaduudda gabbal dhac;
84:17 17. Iyo habeenka iyo wuxuu qariyo;
84:18 18. Iyo dayaxa markuu buuxsamo.
84:19 19. Waxaad (dadow) mari heerar kala duwan (noloshan iyo Aakhiradaba).
84:20 20. Muxuuse arrinkoodu yahay inaysan rumeyn xaqa?
84:21 21. Marka Qur’aanka loo akhriyana uma sujuudaan Rabbigood (umana hoggansamaan)?
84:22 22. Waxayse kuwa gaalooba beeniyaan (Xaqa).
84:23 23. Oo Alle waa og yahay waxay qarsan.
84:24 24. Ee ugu bishaaree cadaab xanuun badan.