Cabdullaahi Xasan Yacquub — 588
83:5 5. Maalin weyn (Qiyaamada).
83:6 6. Maalinta dadku istaagi Rabbiga uumanka horti?
83:7 7. Mayee, hubaal diiwaanka (camalka) dadka xun wuxuu yaal Sijjiin.
83:8 8. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Sijiin yahay [1]?
83:9 9. Waa (aayahooda) kitaab (ku) calaameysan.
83:10 10. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).
83:11 11. Kuwa beeniya Maalinta is abaal marinta (Qiyaamada).
83:12 12.Cidina ma beeniso aan aheyn xadgudbe kastoo denbiile ah.
83:13 13. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii dadkii hore.
83:14 14. Mayee’ bal waxay fali jireen (oo macaasi ah) baa waxay ku noqdeen sida mirir madow quluubtooda dushood.
83:15 15. Mayee, hubaal waxaa maalintaa laga xijaabi Rabbigood.
83:16 16. Markaasay waxay hubaal gali oo ku guban Naar olol badan.
83:17 17. Waxaa markaa lagu odhan: Waxakanu waa waxaad beenin jirteen.
83:18 18. Mayee, hubaal, diiwaanka (camalka) dadka wanaagsan wuxuu yaal Cilliyyiin (samada toddobaad).
83:19 19. Maxaa ku ogeysiiyey waxa uu Cilliyiin yahay?
83:20 20. Waa (aayaha mu'miniinta) kitaab (ku) calaameysan.
83:21 21. Waxaa arka (malaa’igtaa) ku dhow (Alle).
83:22 22. Hubaal, baarriyiinta waxay ku sugnaan barwaaqo (Janno).
83:23 23. Sariiro boqoreed korkood iyagoo ka daawan (wax waliba oo nicmooyinka Jannada ah).
83:24 24. Waxaad ka garan wejiyadooda dhalaalka barwaaqada.
83:25 25. Waxaa laga waraabin khamri (saafi ah) ee la abburay.
83:26 26. Inteeda u dambeysa ay tahay miski, ee (arrin)kani ha u tartameen tartamayaashu.
83:27 27. Dheeheeda waa biyo xagga Tasniim ah.
83:28 28. Il ay ka cabbi kuwa (Alle) u dhow.
83:29 29. Denbiilayaashu waxay ku qosli jireen kuwa (Xaqa) rumeeyey ee mu'miniinta ah.
83:30 30. Hadday soo ag maraanna waa isu il-jabin jireen.
83:31 31. Markay u laabtaanna ehelkooda waxay laaban jireen iyagoo ku maaweeleysanaya,
83:32 32. Markay arkaan (mu'miniinta) waxay odhan jireen: Kuwakanu xaqiiq waa kuwo lunsan.
83:33 33. Ma loo dirsan inay gaar ka hayaan iyo ilaalo (mu’miniinta) dushooda.