>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 587

82:1 1. Markay samada dildillaacdo.

82:2 2. Markay xiddiguhu daataan oo kala firdhaan.

82:3 3. Marka badaha laysku furo oo soo fatahaan.

82:4 4. Marka qabuuraha la soo qufo.

82:5 5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib marisay (khayr ama shar oo laga jaazeyn).

82:6 6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan?

82:7 7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay?

82:8 8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?.

82:9 9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta).

82:10 10. Waxaana xaqiiq korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya.

82:11 11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna),

82:12 12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan.

82:13 13. Hubaal, baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno).

82:14 14. Oo hubaal xume falayaashu waxay ku sugnaan Naar ololaysa.

82:15 15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta).

82:16 16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta).

82:17 17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:18 18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay?

82:19 19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah.

83:1 1. Hoog waxaa leh kuwa dadka (xaqooda) duudsiya oo dhima 'nuqsaamiya'.

83:2 2. Waa kuwa markay wax beegan u oofsada si dhan oo kaamil ah.

83:3 3. Markase ay u beegi dadka kale ama miisaami ka dhima oo nuqsaamiya.

83:4 4. Miyeyna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin doono (si loo xisaabiyo).