>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 586

80:41 41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin).

80:42 42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha.

81:1 1. Marka qorraxda la duubo (oo la iftiin tiro),

81:2 2. Oo xiddiguhu daataan (oo nuurkoodu tago),

81:3 3. Oo buuraha la rujiyo 'oo budo noqdaan'.

81:4 4. Oo geela rimman [1] la cidleeyo (oo laga hayaamo).

81:5 5. Oo dugaagga la soo wada kulmiyo (qisaas darteed).

81:6 6. Oo badaha la shido (ama isku soo fatahmaan);

81:7 7. Oo nafaha lagu lammaaniyo jirarkoodii [2];

81:8 8.Oo (tii kastoo yaraan) lagu nolol xabaalay la weydiiyo,

81:9 9. Maxaa denbi ahoo loo dilay?

81:10 10. Marka kutubta (acmaasha aadmiga ee malaa'igtu qorayeen) la fidiyo.

81:11 11. Oo samada laga rujiyo meesheeda,

81:12 12. Oo Naarta la huriyo.

81:13 13. Oo Jannada la soo dhoweeyo.

81:14 14. Waxay ogaan nafi waxay la timid (khayr ama shar).

81:15 15. Waxaan ku dhaartay xiddigaha qarsooma (maalintii).

81:16 16. Ee ku socda rugahooda ee qarsoomee (dhaca).

81:17 17. Iyo habeenka markuu yimaado (ama tago).

81:18 18. Iyo subaxu markuu neefsado (oo soo baxo iftiinkiisa).

81:19 19. Hubaal kani (Qur'aanka) waa hadal 'Alle' uu keenay Rasuul sharaf badan (Jabriil).

81:20 20. Awood iyo meeqaan sare ku leh (Alle) agtiis, Rabbiga Carshiga Weyn,

81:21 21. La adeeco, haddana aamin ah kalsooni lagu qabo.

81:22 22. Saaxiibkiin (Nabi Muxammad) ma aha jinnoole.

81:23 23. Horay buuna ugu arkay (Jabriil) jihada cad (dhinaca qorrax soo baxa).

81:24 24. Ma aha (Nabi Muxammad) mid ceshada 'bakheyla amaba looga shakiyo' cilmiga ku saabsan Ghaybka 'ee Qarsoon'.

81:25 25. (Qur’aankuna) ma aha hadalka Shaydaan laga fogeeyey (Naxariista Alle).

81:26 26. Ee xaggee 'gaalooy' aadeysaan?

81:27 27. (Qur’aanku) ma aha waxaan aheyn Waano ku socota ummadaha oo dhan.

81:28 28. Qofkii idinka mid ah ee dooni inuu (ku) toosnaado (Xaqa).

81:29 29. Oo waxna ma dooni kartaan wuxuu Alle doono maahee, Rabbiga uumanka.