Cabdullaahi Xasan Yacquub — 585
80:1 1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w),
80:2 2. Inuu u yimid indhoolihii [1] darteed,
80:3 3. Miyaadse ogtahay waa intaasoo uu dooni inuu hanuuno oo is daahiriyo,
80:4 4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo.
80:5 5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn),
80:6 6. Miyaad adigu u banbixi,
80:7 7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa,
80:8 8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya,
80:9 9. Oo (Alle ka) baqa,
80:10 10. Miyaad adigu ka mashquuli.
80:11 11. Mayee, Aayadahani waa waano.
80:12 12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato.
80:13 13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka).
80:14 14. Kor ah, la dahiray.
80:15 15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig).
80:16 16. Sharaf leh oo baariyaal ah.
80:17 17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay!
80:18 18. Muxuu Alle ka abuuray?
80:19 19. Dhibic mani ah buu ka abuuray wuuna ekeeyey.
80:20 20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha [2];
80:21 21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso;
80:22 22. Markuu doonana wuu soo bixin.
80:23 23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray.
80:24 24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa.
80:25 25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan,
80:26 26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin.
80:27 27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh,
80:28 28. Iyo cinab iyo naq.
80:29 29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed.
80:30 30. Iyo beero tanaad ah.
80:31 31. Iyo midho iyo caws.
80:32 32. Sahay aad leedihiin ah idinka iyo xoolihiinnuba.
80:33 33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka).
80:34 34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki,
80:35 35. Iyo hooyadi iyo aabbihi.
80:36 36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa,
80:37 37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan.
80:38 38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi.
80:39 39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey.
80:40 40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo;