Cabdullaahi Xasan Yacquub — 584
79:17 17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye.
79:18 18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)?
79:19 19. Oo aan kugu hanuunsho xagga Rabbigaa si aad uga baqdo?.
79:20 20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd [2].
79:21 21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey.
79:22 22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda.
79:23 23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay.
79:24 24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya.
79:25 25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse).
79:26 26. Arrinkani waxaa xaqiiq ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle.
79:27 27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay.
79:28 28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay.
79:29 29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey).
79:30 30. Dhulka markaa kaddib fidshay.
79:31 31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda;
79:32 32. Buurahana wuu dhidbay;
79:33 33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba.
79:34 34. Markase ay timaaddo musiibada weyni.
79:35 35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan.
79:36 36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya,
79:37 37. Ma qofkii xad gudba.
79:38 38. Oo door bida nolosha adduunkan.
79:39 39. Hubaal Naarta waa hoygiisa.
79:40 40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca.
79:41 41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa.
79:42 42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay.
79:43 43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda.
79:44 44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda).
79:45 45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa.
79:46 46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku nagaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed.