Cabdullaahi Xasan Yacquub — 583
78:31 31. Xaqiiq, kuwa Alle ka cabsada ee (ka) dhowrsada (xumaha) waxay leeyihiin meel lagu liibaano (Janno).
78:32 32. Beero iyo canabyo.
78:33 33. Iyo gashaantiyo da' yar oo isla eg.
78:34 34.Iyo galaas buuxa (oo khamri saafi ah).
78:35 35.Kuma maqlayaan (Jannada) gudaheeda hadal macno darro ah ama wax been ah.
78:36 36. Abaal marin xagga Rabbigaa; deeq (daa'in ah badan) oo ku filan.
78:37 37. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, - Raxmaanka, ma jiro wax ku soo celin karaa hadal (Qiyaamada).
78:38 38. Maalinka uu Ruuxu iyo malaa’igtu ay u istaagi saf saf, ma jiro wax hadli, mid maahee Allaah - Raxmaanku u idmo, oo ku hadla hadal toosan oo abbaar ah.
78:39 39. Kaasi waa Maalinka la hubo ee xaqa ah, ee qofkii doona, ha u maro Rabbigi jid toos ah uu ugula laabto (caqiido sax ah iyo camallo san).
78:40 40. Waxaanu idiinka dignay cadaab dhow - Maalinka uu qofku arki waxay gacmihiisu hormarsadeen (oo khayr ah ama shar), oo gaalku odhan:Hoogaye! Maan ciid ahaado.
79:1 1. Waxaan ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada).
79:2 2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada).
79:3 3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle).
79:4 4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn.
79:5 5. Iyo 'malaa'igta' isku duwa arrin 'walba' [1]
79:6 6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka).
79:7 7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad).
79:8 8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri.
79:9 9. Indhahoodu dulleysnaan.
79:10 10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)?
79:11 11. Ma markaan noqonno lafo bololay?
79:12 12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah.
79:13 13. Waase hal Qeylo keliya.
79:14 14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib).
79:15 15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse?
79:16 16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa.