>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 582

78:1 1. Maxay isweydiinayaan (gaaladu)?

78:2 2. Ma Warka Weyn (Qur’aanka ama Qiyaamada).

78:3 3. Ay isku khilaafsan yihiin (mid rumeysan iyo mid beeninaya)?

78:4 4. Mayee, way ogaan doonaan (waxa ku dhaca beenintooda Xaqa darteed).

78:5 5. Misna, mayee way ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

78:6 6. Miyaanaan ka yeelin dhulka gogol?

78:7 7. Buurahana tiirar (dhulka lagu adkeeyey)?

78:8 8. Oo idinka abuurin noocyo (lab iyo dheddig)?,

78:9 9. oo ka yeelin hurdadiinna nasiino?,

78:10 10. Oo ka dhigin habeenka hu’ oo kale (idinku daboola mugdigiisa)?,

78:11 11.Oo ka dhigin maalinta maciishad raadin,

78:12 12. Oo ka dhisin korkiinna toddobo (samo) oo adadag?.

78:13 13. Oo yeelin nal shidan aad u ifi (qorrax)?.

78:14 14. Oo ka soo dejinin daruuraha biyo badan oo shubmaya (roob)?.

78:15 15. Si aan ugu soo saarno haruur iyo naq.

78:16 16. Iyo beero isku maran.

78:17 17. Xaqiiq, Maalinka kala baxu (Qiyaamaha) waa waqti go’an.

78:18 18.Maalinka marka Buunka la afuufi, oo aad iman idinkoo ummado kala duwan ah;

78:19 19. Oo samada la furi oo yeelan albaabbo.

78:20 20. Buurahana la rujin oo noqon dhalanteed oo kale.

78:21 21. Xaqiiq, Naartu waa heegan sugeysa,

78:22 22. Xad gudbayaasha, meel noqod u ah.

78:23 23. Iyagoo ku negaadi waayo badan,

78:24 24. Ma ku dhadhaminayaan dhexdeeda wax qabow ah iyo cabbitaan midna.

78:25 25. Biyo kulul oo karaya iyo malax maahee (dhacaanka ehlu Naarka ah)

78:26 26.Waa abaal marin ku habboon (gaalada).

78:27 27. Waxay ahaayeen kuwo aan fileyn Xisaab (Aakhiro).

78:28 28. Oo waxay beeniyeen Aayadahayaga beenin cad.

78:29 29. Wax walba se (oo camalladooda ah) waxaan ku koobnay qoraal.

78:30 30. Ee dhadhamiya (ciqaabka); idiinma kordhineyno waxaan ahayn Cadaab.