>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 581

77:20 20. Miyaanaan idinka abuurin biyo daciif ah liita?

77:21 21. Markaas yeelnay meel aamin ah gudaheed (riximka),

77:22 22. Ilaa muddo la yaqaanno,

77:23 23. Sidaasaan wax u qaddarnay, Annagaana u fiican kuwo wax qaddara.

77:24 24. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:25 25. Miyaanaan ka dhigin dhulka mid qaada oo ku filan?

77:26 26. Kuwa nool iyo kuwa mowtanba [2].

77:27 27. Oo ka yeelin dhulka dhexdiisa buuro sugan oo dhaadheer oo aan idinka waraabinin biyo macaan?

77:28 28. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:29 29. Aada waxaad beenin jirteen.

77:30 30. Aada hoos (qiiqa Naarta ah) oo seddex laamood leh [3].

77:31 31. Oo aan harsi laheyn, waxnana ka tareyn ololka dabka.

77:32 32. Waxay (Naartu) tuuri dhimbilo daran oo daaro oo kale ah .

77:33 33. Aad mooddo awr aydin ah.

77:34 34. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:35 35. Kanu waa Maalin aysan (gaaladu) hadleyn.

77:36 36. Oo aan idan la siineyn si ay u cudurdaartaan.

77:37 37. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:38 38. Kani waa Maalinka kala Baxa. Waa idin soo kulminnay idinka iyo kuwii horreeyey.

77:39 39. Ee haddaad wax dhagri kartaan, Aniga I dhagra.

77:40 40. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:41 41. Hubaal kuwa ka dhowrsada xumaha waxay ku sugnaan hoosas iyo ilo.

77:42 42. Iyo midho waxay doonaan ah.

77:43 43. Cuna oo cabba si raaxo leh waa waxaad camalsan fali jirteen darteed.

77:44 44. Sidaasaan xaqiiq u abaal marinnaa sama falayaasha.

77:45 45. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:46 46. (Gaaloy) cuna oo raaxeysta in yar. waxaad tihiin denbiilayaal.

77:47 47. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:48 48. Marka lagu yidhaahdo: Rukuuca ma ay rukuucaan [4].

77:49 49. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:50 50. Ee Hadalkee bay kan (Qur’aanka) kaddib (gaaladu) rumeynayaan?