>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 580

76:26 26.Habeenka qaarkina u sujuud, oo ammaan (hufna) in dheer oo habeenka ah.

76:27 27. Xaqiiq, kuwaasi (gaalada ah) waxay jecel yihiin noloshatan adduunka, waxayna mariyaan gadaashooda (oo dan u gelin) Maalin culus (Qiyaamada).

76:28 28. Annagaa abuurnay oo adkaynay seedahooda, haddaan doonnona Waxaan ku beddeli karnaa kuwo kale oo la mid ah beddelid dhan.

76:29 29. Suuraddani xaqiiq waa waano, ee qofkii doonaa, ha u samaysto jid xagga Rabbigi.

76:30 30. Waxna ma dooni kartaan in Alle doono mooyee. Hubaal, Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.

76:31 31. Wuxuu geliyaa qofkuu doono Naxariistiisa, daalimiintana (mushrikiinta, gaalada, denbiilayaasha) wuxuu u diyaariyey cadaab xanuun badan.

77:1 1. Waxaan ku dhaartay dabeylaha wanaagga lala soo diro.

77:2 2. Iyo dabeylaha sida daran u kaca.

77:3 3. Iyo dabeylaha u kaxeeya daruuraha meelahooda loogu tala galay;

77:4 4. Iyo (malaa'igta) kala saara (Xaqa iyo baadilka) kala saarid dhan [1].

77:5 5. Iyo malaa’igta keena Waxyiga

77:6 6. Si loo caddeeyo (Xaqa) ama loo digo;

77:7 7. Ee waxa (dadow) la idiinku yabooho ( Qiyaamada) waa Xaq dhacaya.

77:8 8. Marka xiddiguhu beelaan nuurkooda;

77:9 9. Oo samadu dildillaacdo,

77:10 10. Oo buuraha la rujiyo.

77:11 11. Oo Rusulladii la kulmiyo (iyo dadkoodii) waqtigii loo qabtay.

77:12 12. Maalintee baa loo dib dhigay?

77:13 13. Maalinta kala baxa (Qiyaamada).

77:14 14. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta kala baxu tahay?

77:15 15. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).

77:16 16. Miyaanaan halaagin facyadii hore (ee gaaloobay)?

77:17 17. Misna waxaan raacin kuwa (facyada) dambe (ee eynigood ah).

77:18 18. Sidaasaan u galnaa denbiilayaasha.

77:19 19. Hoog Maalintaas waxaa leh xaq beeniyayaasha (nabad diidka).