>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 58

3:62 62. Kuwani waa qisooyinka runta ah, oo ma jiro ilaah (xaq ah) aan ahayn Allaah. Alle waa Adkaadaha, Xakiimka ah.

3:63 63. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, Alle wuu ogsoon yahay kuwa wax fasaadiya.

3:64 64. Dheh: ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! U kaalaya Kelmed aan u simannahay ee noo dhaxeysa innaga iyo idinkaba, inaynaan caabudin cidna Alle maahee, iyo inaynaan la wadaajin (cibaadada) waxba, iyo (inaan) qaarkeen ka dhigan qaar kale rabbiyo ay la barbar caabudaan Alle. Hadday (Xaqa ka) jeesadaan, markaa dhaha: Ka markhaati ahaada inaan innagu nahay Muslimiin.

3:65 65. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad uga doodeysaan arrinka Ibraahiim, lamana soo dejin Towraadda iyo Injiilka isaga kaddib maahee? Ee miyeydaan wax fahmeyn?

3:66 66. Bal eega! Idinka weeye kuwa ku dooday waxaad aqoon u lahaydeen, Ee maxaad uga doodaysaan wax aydaan aqoon u lahayn? Alle baana ogsoon, idinkuse ma ogidin.

3:67 67. Ma uusan ahayn Ibraahiim Yuhuudi ama Nasraani midkoodna [10], wuxuuse ahaa toosane, Muslim ah, kamana uu mid aheyn mushrikiinta.

3:68 68. Kuwa u xiga Ibraahiim dadka waa kuwaa raacay, iyo Nabigaan (Nabi Muxammad) iyo kuwa rumeeyey (Muslimiinta). Alle waa Gargaaraha mu’miniinta.

3:69 69. Qayb ka mid ah Ehlul Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay jecel yihiin inay idin lumiyaan. Mase lumiyaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.

3:70 70. Ehlul Kitaabow (Yuhuud iyo Nasaaroy)! Maxaad ugu gaaloobeysaan Aayadaha Alle idinkoo marag ah (og Xaqnimadooda)?