>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 579

76:6 6. Il ay ka cabbi addoomaha Alle oo ay u burqin sida iyo halkay doonaan burqin.

76:7 7. Waa kuwa oofiya nidarradooda, ka cabsadana Maalin sharkeedu fidi (Maalinta Qayaamaha).

76:8 8. Waxay siiyaan cunno iyagoo jecel miskiinka, agoonka iyo maxbuuska.

76:9 9. (iyagoo laabta ka leh) Waxaan uun idiin siin raashinka Wejiga Alle Darti idinkama rabno abaal gud iyo mahadnaq midna.

76:10 10. Xaqiiq, waxaanu ka cabsan Rabbigayo Maalin (wajigu) doorsoomi, murugo badan.

76:11 11. Sidaa awgeed Alle wuxuu ka samata bixin sharka Maalinkaas, oo siin nuur iyo farxad.

76:12 12. Oo ku abaal marin sabarkooda dartiis Janno iyo xariir.

76:13 13. Iyagoo ku dangiigsan sariiro korreeya korkooda, kuma arkayaan (Jannada) gudaheeda kuleyl qorrax iyo dhaxan midna.

76:14 14. Waxaa u dhow (geedaha Jannada) Hoosaskooda, waana loo soo raaricin midhaheeda raaricin.

76:15 15. Waxaa lagula dhex wareegi weelal qalin ah iyo koobab quraarado ah.

76:16 16. Quraarado fiddo (qalin) ah si fiicanna u qiyaasan.

76:17 17. Waxaa laga waraabin galaas (khamro saafi ah) lagu dheehay Sanjabiil,

76:18 18.Il 'Jannada' gudaheeda ah, la yidhaahdo Salsabiil.

76:19 19. Waxaa u adeegi wiilal da’ yar aan gaboobin oo waari markaad aragto aad moodi sida luul la firdhiyey.

76:20 20. Haddaad aragto halkaas (Jannada), waxaad arki barwaaqo iyo boqortooyo weyn.

76:21 21. Dharkoodu (ehlu Jannaha) waa xariir jilicsan oo cagaaran iyo xariir adagba. Waxaana lagu qurxin jin-jimo qalin ah, wuxuu Rabbigood ka waraabin sharaab daahir ah.

76:22 22. Hubaal kani waa abaalgud aad leedihiin, dadaalkiinniina waa la idiin gudi oo ajar weyn la idinka siin.

76:23 23. Xaqiiq, Annagaa kugu soo dejinnay Qur’aanka (Muxammadow) si qayb qayb ah (Suurado iyo Aayado) soo dejin dhan.

76:24 24. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, hana adeecin denbiile iyo abaal darne midna.

76:25 25. Xus Magaca Rabbigaa subax iyo galabba.