Cabdullaahi Xasan Yacquub — 578
75:20 20. Mayee se, waxaad jeceshihiin noloshatan (adduunka) ee durba tageysa.
75:21 21. Oo dayacdaan Aakhirada.
75:22 22. Wejiyo Maalintaas way ifi.
75:23 23. Xagga Rabbigood iyagoo eegaya;
75:24 24. Wejiyo (kale) Maalintaas waxay ahaan kuwo kuduudsan.
75:25 25. Waxay hubtaa in lagu fali balaayo weyn;
75:26 26. Mayee, markay (naftu) soo gaarto mirgiga (waqtiga geerida).
75:27 27. Oo la yidhaahdo: Yaa ku tufi oo dabiibi?
75:28 28. Oo yaqiinsado inay tahay (waqtigii) tagidda (geerida).
75:29 29.Oo lagu isku maro labada jeeni (kafno).
75:30 30. Waa xagga Rabbigaa Maalintaas halka laysu wadaa.
75:31 31. (Gaalkuse) ma rumeyn (Xaqa) mana tukan.
75:32 32. Wuuse beeniyey oo jeesaday.
75:33 33. Markaasuu aaday xagga ehelkiisa isagoo u socda si kibir iyo faan leh.
75:34 34. Dhowaa hooggaagu oo dhowaa.
75:35 35. Haddana dhowaa hoggaagu oo dhowaa.
75:36 36. Ma wuxuu Aadmigu moodaa in looga tegi bilaash (ujeeddo la'aan)?
75:37 37. Miyuusan aheyn mani-nool oo la dhibciyo?
75:38 38. Markaas noqota xinjir oo (Alle) abuuro qaab wanaagsanna u yeelo.
75:39 39. Oo ka yeelo labo nooc, lab iyo dheddig.
75:40 40.Miyuusan Kaasi (Alle) awoodin inuu soo nooleeyo maytida [3]?
76:1 1. Waxaa Aadmiga soo maray waqti wax la sheego uusan aheyn (uusan jirinba).
76:2 2. Waxaanu xaqiiq ka abuurnay Aadmiga dhibic mani ah isku dhafanta [1], si aynu u imtixaanno, markaas waxaan ka yeellay mid wax maqla, wax arka.
76:3 3. Waxaanu xaqiiq tusnay jidka ama waa mid mahad naqa ama mid abaal dhac badan (gaal ah).
76:4 4. Waxaanu xaqiiq u diyaarinnay gaalada silsilado, heegayaal, iyo dab huraya.
76:5 5. Hubaal, kuwa baarriyiinta ah waxay ka cabbi galaas (khamro saafi ah) oo lagu dheehay Kaafuur.