Cabdullaahi Xasan Yacquub — 576
74:19 19. Nacaladi ha ku dhacdee! Siduu wax u qorsheeyey.
74:20 20. Misna, nacladi ha ku dhacdee, siduu wax u qorsheeyey.
74:21 21. Kaddib wuu eegay;
74:22 22. Markaasuu wejiga kaduuday oo soo uruuriyey.
74:23 23. Haddana dhabarka jeediyey oo is kibriyay;
74:24 24. Wuxuu yidhi: Kani (Qur'aanka) wax kale maahee waa sixir laga soo minguuriyey kuwo kale.
74:25 25. Kanu (Qur'aanku) ma aha waxaan aheyn hadal Aadmi.
74:26 26. Waxaan galin kaasi Saqaro (Naar).
74:27 27. Maxaad ka og tahay waxay Saqaro tahay?
74:28 28. Ma reebto (hilib iyo laf midna) waxnana kama tagto.
74:29 29. Waxay doorisaa jirka oo gubtaa.
74:30 30. Waxaa kor jooga sagaal iyo toban (malag oo adadag).
74:31 31. Kama aanu yeelin waardiyada Naarta waxaan ahayn malaa'ig, umana aanu yeelin tiradooda waxaan ahayn imtixaan ahaan gaalada - si ay ehlu Kitaabku u yaqiinsadaan (Xaq ahaanta Islaamka), mu’miniintuna u kororsadaan Iimaan - oo aanay kuwaa ehlu Kitaabka ah iyo mu’miniinta u shakiyin, iyo in kuwaa uu quluubtoodu ku jiro cudur iyo gaalada (mushrikiinta ah) u yidhaahdaan: Muxuu Alle ugala jeedaa tusaalahan? Sidaasuu Alle u lumiyaa qofkuu doono, oo u hanuuniyaa qofkuu doono. Ma jiro wax og ciidammada Rabbigaa Isaga maahee. Waxan la soo sheegayna ma aha waxaan aheyn waano ku socota dadka.
74:32 32. Mayee, waxaan ku dhaartay dayaxa,
74:33 33. Iyo habeenka markuu tago.
74:34 34. Iyo waagu markuu caddaado.
74:35 35. Hubaal iyadu (Naartu) waa mid ka mid ah balaayooyinka waaweyn.
74:36 36. Digniin u ah dadka.
74:37 37. Qofkii doona inuu ku hormaro (camallo san) ama dib ugu haro (xume fal),
74:38 38. Naf walbaa waxaa loogu heystaa curaar waxay kasbato.
74:39 39. Qolada midigta maahee.
74:40 40. Jannooyin gudahood waxay iska wareysan,
74:41 41. Xaalka denbiilayaasha:
74:42 42. Maxaa idin keenay Naarta Saqaro?
74:43 43. Waxay odhan: Kama aynu mid aheyn kuwa tukada.
74:44 44. Mana aannaan aheyn kuwo quudiya miskiinka;
74:45 45. Waxaanu ahayn kuwo la dhumbada waxyaalo been ahoo aan jirin iyo xumaan kuwa dhumbada.
74:46 46. Waxaanu ahayn kuwa beeniya Maalinta abaal marinta (jaazeynta).
74:47 47. Jeer ay noo timid yaqiinta la hubo (geeridu).