>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 575

73:20 20. Xaqiiq, Rabbigaa waa og yahay inaad u istaagto (salaad) ku dhowaad saddex meeloodoo labo meelood habeenka, (mararka qaarna) kala barkiis, (marmarna) saddex meeloodoo meel, iyo in koox ka mid ah kuwaa kula jira. Alle waa u qaddaran yahay habeenka iyo maalintuba. Wuxuu og yahay inaydaan fali kareyn sidaas (inaad tukataan habeenka intiisa badan), sidaa awgeed wuu idinka cafiyey oo tawbad aqbalay. Ee akhriya wixii idiin fududaada oo Qur’aan ah. Wuxuu og yahay inay idin ka mid yihiin kuwo buka, iyo kuwo kale oo ku safra dhulka iyagoo dalbaya Deeqda Alle; iyo kuwo kale oo u diriraya Jidka Alle. Ee akhriya wixii idiin fududaada (oo Qur’aan ah), oo ooga salaadda, bixiyana Zakada, amaahsada Alle Amaah wanaagsan. Waxaad u hormarsataan nafahiinna oo khayr ah waxaad ka heli Alle agtiisa; sidaasaa khayr badan oo ajar weyn. Weydiista Denbi dhaaf Alle. Hubaal, Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

74:1 1. Kani ku dedanow dharka!

74:2 2. Kac oo dig,

74:3 3. Rabbigaa weynee.

74:4 4. Maryahaagana daahiri.

74:5 5. Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.

74:6 6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.

74:7 7. Rabbigaana dartiis u samir.

74:8 8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;

74:9 9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran.

74:10 10. Gaalada aan u fududeyn.

74:11 11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).

74:12 12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan.

74:13 13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.

74:14 14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.

74:15 15. Haddana damci inaan u ziyaadiyo;

74:16 16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.

74:17 17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.

74:18 18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;