>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 574

73:1 1. Kani isku duuduubayow maryaha [1].

73:2 2. U kac (salaad) habeenka in yar maahee.

73:3 3. Barkiis ama ka nusqaami in yar.

73:4 4. Amaba ka badi, oo u akhri Qur’aanka si wanaagsan oo habboon.

73:5 5. Waxaanu kugu soo dejin Hadal culus [2].

73:6 6. Xaqiiq, habeenka saacadahiisa (oo la tukado) baa leh khushuuc badan aadna u toosan odhaah ahaan [3].

73:7 7. Waxaad xaqiiq leedahay inta maalinta ah howl dheer.

73:8 8. Ee xus Magaca Rabbigaa, oo u ahow daacad si dhan Isagoo Keliyana u go'.

73:9 9. Rabbiga bariga iyo galbeedka. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Isaga ee ka dhigo wakiil (maamula arrimahaaga oo dhan).

73:10 10. U samir waxay (gaaladu) yidhaahdaan, oo uga dheerow si qurxoon.

73:11 11. Isu kaanna daa Aniga iyo kuwa beeniya (Aayadaheyga) ee nicmeysan, una sug in xoogaa ah.

73:12 12. Xaqiiq waxaa agtannada ah jeebbado iyo dab ololaya.

73:13 13. Iyo cunno lagu margado, iyo cadaab xanuun badan.

73:14 14. (Waxay ku dhici arrintaasi) Maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan gil-gilasho xoog leh, buuruhuna ahaan (sida) bacaad la shubay.

73:15 15. Waxaanu xaqiiq idiin soo dirnay Rasuul markhaati idinku ah, sidaan ugu soo dirnayba Rasuul xagga Fircoon.

73:16 16. Fircoon se wuu caasiyey Rasuulka, markaasaan qabannay qabasho daran.

73:17 17. Ee sidee baad isaga celin (cadaabka), haddaad gaalowdaan Maalin ka dhigi carruurta cirroole.

73:18 18. Samada arrinkaa darti la dildillaaci. Yabooha (Alle) waa mid abad fula.

73:19 19. Hubaal tani wa waano, ee qofkii doonaa ha u samaysto xagga Rabbigi jid.