>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 573

72:14 14. Waxaa naga mid ah kuwo 'Alle u' hoggaansan (Muslimiin ah), iyo kuwo xadgudba; qofkii u hoggaansama (Alle), kuwaasi waxay raacaan hanuun toosan.

72:15 15. Kuwase ah xadgudbayaasha, kuwaasu waa xaabada Naarta,

72:16 16. Hadday ku toosaan (dadku) Jidka (Islaamka) waxaan ka waraabin laheyn biyo badan (risiq wanaagsan).

72:17 17. Si aan ugu imtixaanno. Qofkii ka jeesada Xusidda (Alle) Rabbigi, Wuxuu galin cadaab sii kordheysa.

72:18 18. Masaajidda (iyo dhulkoo dhan) waxaa leh Alle keliya, ee ha kula baryina (caabudina) Alle cid kale.

72:19 19. Markuu addoonkaa Alle (Nabi Muxammad) istaagay isagoo (Alle Keliya) baryaya, waxay jinku u dhowaadeen inay is buurtaan dushiisa (si ay u dhageystaan).

72:20 20. Dheh: Waxaan uun baryayaa (caabudi Allaah Keliya) Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna cibaadada.

72:21 21. Dheh: Anigu xaqiiq idiin ma hayo dhib ama dheef (habow ama hanuun) midna.

72:22 22. Dheh: Cidina igama celin karto (Ciqaabka) Alle (Haddaan ku caasiyo), mana helayo sokadi wax ciirsi iyo agab ah.

72:23 23. (Xilkeygu waa) oo keliya Gaarsiinta (Xaqa) ka yimid Alle iyo Farriimahiisa (Towxiidka). Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, hubaal wuxuu mudan Naarta Jahannama ay ku dhex waari weligood.

72:24 24. Jeer markay arkaan waxa loogu gooddiyo, markaasay ogaan cidda gargaarahiisu tabar daran yahay oo tiro yar.

72:25 25. Dheh: Anigu ma ogi in waxa la idiinku gooddiyo uu dhow yahay, ama in Rabbigay u yeeli waqti go’an.

72:26 26. Waa Ogsoonaha Ghaybka (waxaan muuqan ee qarsoon), umana bandhigo Ghaybkiisa qofna.

72:27 27. Mid maahee uu u doorto Rasuul ahaan, markaa wuxuu u yeelaa ilaalo socota hortiisa iyo gadaashiisaba.

72:28 28. Si uu u muujiiyo inay run ahaan gaarsiiyeen Farriimihii Rabbigood, (Allena) wuu koobay waxa agtooda ah, wayna u tira kooban yihiin wax walba.