>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 571

71:11 11. Wuxuu idiinka keeni daruuraha roob darar ah;

71:12 12. Oo idiinku deeqi maal iyo awlaad, oo idiin yeeli beero, idiinna yeeli webiyaal.

71:13 13. Maxaad leedihiin aydaan uga heybeysan Alle?

71:14 14. Isagoo dhabtii idin abuuray idinkoo soo maray xaalado iyo heerar (kala duwan).

71:15 15. Miyeydaan arag sida Alle u abuuray toddobada samo ee kala korreeya.

71:16 16. Oo dayaxa uga yeelay dhexdooda nuur, qorraxdana ka yeelay nal shidan?

71:17 17. Alle Waa Kan idinka beeray (abuuray) dhulka beeritaan (abuuris).

71:18 18. Haddana idinku celin gudahiisa oo idinka soo bixin baxniin (cusub).

71:19 19. Alle waa Kan idiinka yeelay dhulka gogol fidsan.

71:20 20. Si aad ugu socotaan dhexdiisa waddooyin waasic ah.

71:21 21. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waa ii caasiyeen, waxayna raaceen mid aan maalkiisa iyo dhashiisa u kordhin waxaan ahayn khasaaro.

71:22 22. Oo waxay qooleen shirqool aad u weyn.

71:23 23. Oo yidhaahdeen: Sinnaba ha uga tegina ilaahyadiinna, hana ka tegina (gaar ahaan) Wadd ama Suwaac ama Yaquus iyo Yacuuq iyo Nasar.

71:24 24. Waxay lumiyeen dad badan, ee (Allow) ha u kordhin daalimiinta 'gar diidka' waxaan aheyn habow.

71:25 25. Gefafkoodii dartood baa loo harqiyey, Naarna loo geliyay, marka ma helin cid u soo gargaarta Alle sokadi.

71:26 26. Nuux wuxuu yidhi: Rabbiyow! Ha kaga tegin dhulka korkiisa gaalada qofna.

71:27 27. Waayo haddaad kaga tagto, waxay xaqiiq dhumin addoomahaaga, mana dhalayaan waxaan aheyn faajir, gaalnimo badan.

71:28 28. Rabbiyow! Ii Denbi dhaaf aniga, iyo waalidkeyba iyo qofkii soo gala gurigeyga isagoo mu’min ah, iyo mu’miniinta iyo mu’minooyinka. Hana u kordhin daalimiinta (gar diidka) waxaan aheyn baabba’.