Cabdullaahi Xasan Yacquub — 570
70:41 41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado.
70:42 42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo.
70:43 43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay.
70:44 44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen).
71:1 1. Waxaanu xaqiiq u dirnay Nuux qolodiisii (Annagoo leh): U dig qolodaada intaysan u iman cadaab xanuun badan.
71:2 2. (Nuux) Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Waxaan anigu idiin ahay dige cad.
71:3 3. Ee caabuda Alle oo keliya, oo ka cabsada, anigana i adeeca.
71:4 4. Wuxuu 'Alle' idiin dhaafi denbiyadiinna, oo idiin dib dhigi ilaa muddo magacaaban. Ajasha Alle (mowdku) markuu yimaado lama dib dhigo, waase haddaad og tihiin.
71:5 5. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan qolodeydii ugu baaqay (Towxiid iyo falasho camallo san) habeen iyo maalinba.
71:6 6. Ha yeeshee baaqeygu uma uusan kordhin waxaan aheyn didmo.
71:7 7. Mar kastoo aan u yeedhana si aad ugu denbi dhaafto, waxay yeelaan farahooda dhegahooda, iskuna dadaan maryahooda [1], oo madax adaygaan, wayna is kibriyaan iskibrin.
71:8 8. Haddana waxaan xaqiiq ugu baaqay (Towxiidka oo uga digay shirkiga) si cad.
71:9 9. Markaasaan ula hadlay si kore, si hoosana waan ula hadlay oo wax ugu sheegay [2].
71:10 10. Waxaan ku idhi: Ka barya denbi dhaaf Rabbigiin; waa Denbi Dhaaf Badane’e.