>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 57

3:53 53. Rabbigayow! Waxaanu rumeynay waxa aad soo dejisey oo Waxyi ah, oo raacnay Rasuulka, ee nagu qor (naga dhig) la jirka markhaatiyada (Alle ee kuu hoggaansan).

3:54 54. Oo tab ayey dhigeen, Allena (sidoo kale) tab ayuu dhigay. Allaana ah Kan ugu wanaagsan inta wax tabeysa.

3:55 55. (Xus) markuu Alle yidhi: Ciisow! Waan ku oofsanayaa (seexin dhimasho la'aan) oo kuu soo kor yeelayaa Xaggeyga (jidh iyo ruuxba), oo kaa daahirin gaalada, oo ka yeeli kuwa kugu raaca (Towxiidka) kuwa ka sarreeya (Xujo ahaan) kuwa gaalooba tan iyo Maalinta Qiyaamaha. Markaas waa Xaggeyga meel noqodkiinna, waana idiin kala garsoori dhexdiinna waxaad isku khilaafsaneydeen.

3:56 56. Ee ma kuwa gaalooba, waxaan cadaabi cadaab daran adduun iyo Aakhiraba, mana leh wax u soo gargaari (Aakhirada oo u shafeeci).

3:57 57. Kuwase (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, wuxuu u oofin abaalgudyadooda oo dhan. Alle ma jecla daalimiinta (gar diidka).

3:58 58. Kaa baan ku akhriyeynaa (Qur’aanka) oo Aayado ah iyo waano xikmad leh.

3:59 59. Mataalka Ciise xagga Alle waa sida mataalka Aadam. Wuxuu ka abuuray carro, markaasuu ku yidhi: Ahow, wuuna ahaaday.

3:60 60. (Kani) waa Xaq ka yimid Rabbigaa, ee ha ka mid noqon shaki qabeenka.

3:61 61. Qofkii se kaala dooda arrinkan, kaddib waxa kuu yimid oo cilmi ah, kolkaa dheh: Kaalaya, aan u yeerno wiilasheenna iyo wiilashiinna, iyo dumarkayaga iyo dumarkiinna iyo kuwa dad noo xiga iyo kuwa dad idiin xiga, markaas aan baryootanno, inay Nacaladda Alle ku dhacdo kuwa ah beenalayaasha.