>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 569

70:11 11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa.

70:12 12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki.

70:13 13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo,

70:14 14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado.

70:15 15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa.

70:16 16. Diiraneysa haragga Madaxa.

70:17 17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday.

70:18 18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan).

70:19 19. Hubaal Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo.

70:20 20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay.

70:21 21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin).

70:22 22. Kuwa salaadda tukada mooyaane.

70:23 23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima;

70:24 24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan.

70:25 25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan.

70:26 26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha).

70:27 27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood.

70:28 28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn.

70:29 29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah.

70:30 30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah.

70:31 31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah.

70:32 32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda;

70:33 33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda;

70:34 34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda,

70:35 35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan.

70:36 36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e.

70:37 37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga?

70:38 38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah?

70:39 39. Mayee, Waxaanu xaqiiq ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan).

70:40 40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan xaqiiq Karno;