>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 568

69:36 36. ama wax cunno ah milil iyo malax ma’ahee.

69:37 37. Aanay cidi cunin geflowyada maahee.

69:38 38. Mayee, waxaan ku dhaartay waxaad aragtaan.

69:39 39. Iyo wax aydaan aragba,

69:40 40. Kani hubaal waa hadal (Alle) uu keenay Rasuul sharaf leh (Nabi Muxammad s.c.w.)

69:41 41. Ma aha hadal gabyaa, yaraa intaad rumeysaan.

69:42 42. ama hadal curraafle, yaraa intaad waantowdaan.

69:43 43. Waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka (Allaah).

69:44 44. Hadduu (Nabi Muxammad) naga been sheegi lahaa;

69:45 45. Waxaan ku qaban laheyn gacanta Midig.

69:46 46. Oo waxaan goyn laheyn halbowlaha.

69:47 47. Ma jiro qof idinka mid ahi oo naga celin lahaa.

69:48 48. (Qur'aanku) waa u waano kuwa ka dhowrsada xumaha ee Alle u hoggaansan.

69:49 49. Waan ognahay dhabtii inay idinka mid yihiin kuwa beeniya (Xaqa).

69:50 50. (Qur’aanku) hubaal waa qoomamada gaalada (Maalinta Qiyaame).

69:51 51. Waana xaq dhab ah oo la hubo.

69:52 52. Ee ku tasbiixso, oo huf Magaca Rabbigaa, Weynaha, Sharafta Badan [4].

70:1 1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda 'gaalada loo soo dedejiyo' [1].

70:2 2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin -

70:3 3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka).

70:4 4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano.

70:5 5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan.

70:6 6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog.

70:7 7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay.

70:8 8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban.

70:9 9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay.

70:10 10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn.