Cabdullaahi Xasan Yacquub — 567
69:9 9. Fircoon iyo kuwii ka horreeyey iyo magalooyinkii la rogay [3] waxay joogto ula yimaadeen gefaf weyn.
69:10 10. Waxay caasiyeen Rasuulkii Rabbigood, markaasuu (Alle) qabtay 'ciqaabay' qabasho 'ciqaab' daran.
69:11 11. Markay biyihii xad dhaafeen waxaan idinku qaadnay (dadow) Doonidii (uu sameeyey Nuux).
69:12 12. Si aan idiinkaga dhigno waano, oo una xafiddo dheg wax maqasha oo u fahanto.
69:13 13. Ee marka Buunka (Qiyaame) la afuufo afuufid keliya (afuufka hore),
69:14 14. Dhulka iyo buurahana laga rujiyo meelahooda, oo la baduugo baduugid mar keliya ah.
69:15 15. Maalintaa bay Dhacdada (Weyn) dhici (Qiyaamada).
69:16 16. Samadu Maalintaa u kala dillaaci gaballo, marka waxay ahaan mid jilicsan.
69:17 17. Malaa’igtu waxay ahaan agagaar- keeda, waxaana ku xambaari Carshiga Rabbigaa korkooda Maalintaas siddeed (saf oo malaa'g ah).
69:18 18. Maalintaas waa la idin soo bandhigi, ma jirto sir aad leedihiin oo qarsoonaan.
69:19 19. Kan laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa midig, wuxuu odhan: Waa kane, akhriya kitaabkeyga.
69:20 20. Anigu waan hubay inaan la kulmi Xisaabteyda.
69:21 21. Marka wuxuu kaasi ku noolaan nolol farxad iyo raallinnimo leh.
69:22 22. Beer sare gudaheed ah (Janno),
69:23 23. Midhaheedu (goosasho iyo) gurasho dhow yihiin.
69:24 24. Cuna oo cabba idinkoo faraxsan, waa waxaad horay u falateen maalmihii tegaye.
69:25 25. Kanse laga siiyo kitaabkiisa gacantiisa bidix, wuxuu odhan: Alla haddaan marnaba la I siiyeen kitaabkeyga.
69:26 26.Oo aan ogaadeen, waxay xisaabteydu tahay?
69:27 27. Alla hadday taa (dhamishadu) ahaan laheyd dhammaadkeyga.
69:28 28. Maalkeygii waxba iima tarin.
69:29 29. Awooddeydii waa iga baabba’een.
69:30 30. (Waxaa la odhan): Qabta oo xidha.
69:31 31. Markaas geliya dabka ololka badan.
69:32 32. Markaas ku xirxira silsilad ballaceedu yahay toddobaatan dhudhumood.
69:33 33. Ma uu rumeysneyn Allaah, Sarreeyaha Weyn.
69:34 34. Mana dhiirra gelin jirin quudinta miskiinka.
69:35 35. Sidaa awgeed kuma laha halkan maanta wax saaxiib run ah.