>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 566

68:43 43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow 'mase yeelin'.

68:44 44. Ee isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan fileyn.

68:45 45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag.

68:46 46. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn?

68:47 47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan?

68:48 48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan,

68:49 49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan.

68:50 50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan.

68:51 51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole.

68:52 52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan.

69:1 1. Xaqiiqda dhabta ah ee sugan [1]!

69:2 2. Waa maxay xaqiiqda dhabta ahi?!

69:3 3. Maxaad ka og tahay waxay tahay xaqiiqdaa dhabta ahi ee sugan?!

69:4 4. Thamuud iyo Caadba waxay beeniyeen (Qalbi) Garaacdada (Maalinta Qiyaame).

69:5 5. Ma Thamuud, waxaa lagu halaagay Qeylo Daran [2].

69:6 6. Caad se, waxaa lagu halaagay dabeyl daran oo qabow badan.

69:7 7. (Alle) uu ku salliday toddoba habeen iyo siddeed maalmood oo xidhiidh ah; sidaas darteed waxaad arki lahayd dadkiiyoo halkaas u daadsan af gambi la moodo jirrido timreed dhacay.

69:8 8. Ee ma aragtaa wax ka hadhay?