Cabdullaahi Xasan Yacquub — 565
68:17 17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaheeda aroorta hore.
68:18 18. Iyagoon dhihin inshaa Allaah (dooneyna inay qayb u dhigaan saboolka).
68:19 19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen.
68:20 20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay.
68:21 21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii,
68:22 22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha.
68:23 23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah,
68:24 24. Inuusan qof miskiin ah u soo gelin maanta (beerta, waxnana siin).
68:25 25. Waxayna kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta).
68:26 26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: xaqiiq waanu dhunnay.
68:27 27. Mayee, waa la ina hoojiyey .
68:28 28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) u tasbiixsada oo hufa?
68:29 29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Hubaal Waanu gefnay.
68:30 30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya.
68:31 31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay.
68:32 32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu xaqiiq khayr ka rajeyne.
68:33 33. Waa sidaas cadaabku. Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn. Hadday ogaan lahaayeen.
68:34 34. Hubaal kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa Jannooyin barwaaqo ah.
68:35 35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha.
68:36 36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan?
68:37 37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan -
68:38 38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba?
68:39 39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba?
68:40 40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin.
68:41 41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan.
68:42 42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo 'dhudhunka Alle' [2] oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta).